26.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

DF oo shaacisay tallaabada xigta kadib maxaabiistii lagu soo wareejiyey ee Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay maxaabiista ay ku soo wareejisay maamulka Khaatumo, halka la gaynayo iyo sida ay ula dhaqmayaan. Wareysi uu siiyay BBC, Wasiirka Caddaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin, ayuu ku sheegay in maxaabiista ay la soo wareegeen ay haatan u socdaan baaritaanno caafimaad.

Dadkan la sii daayay oo ku dhowaad xirnaa labo sano, ayaa Dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay maamulka Khaatumo, iyada oo qorshaynaysa inay ku sii wareejiso “qoyskooda iyo Somaliland”, sida uu wasiirku sheegay.

“Maanta maxaabiis ma aha — waa dad xor ah oo caafimaadkooduna wanaagsan yahay. Waa dad haatan ku socda baaritaankii caafimaadka, caafimaadkoodana waa lala tacaalayaa,” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Tallaabadii ugu horreysay ee ay dowladdu qaaday markii ay la soo wareegtay, ayuu wasiirku ku sheegay inay tahay dejin loo sameeyo si xaaladoodu caadi ugu soo laabato, maadaama ay xirnaayeen muddo labo sano ku dhow.

“Marka ugu horreysa waxaa looga bilaabayaa in la dejiyo, si ay xaaladooda caadi ugu soo noqoto. Caafimaadkooda iyo daryeelkoodana waa laga howlgalayaa. Howlahaas ayaa hadda socda. Waxaa la rabaa nolol wanaagsan inay u bilaabato oo ay bini’aadam caadi ah ku soo laabtaan, waana shaqo socota, dad arrimahaas ku xeeldheerna waa loo xilsaaran yahay,” ayuu yiri.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray: “Waxaa jira dadaallo lala xiriirayo, ehelkoodiina waa lala xiriirayaa. Markii iyaga la wareysto oo ay tafaasiil iyo xogtooda bixiyaan, waxaa kale oo lala xiriirayaa Somaliland si dadkaasi ay halkaas ku tagaan. Guud ahaan arrintan waxay xambaarsan tahay fariin nabadeed.”

Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo SSC-Khaatumo tallaabadii ugu horreysay ee ay qaadeen, uuna dhanka Somaliland ka rajaynayo in tallaabo la mid ah ay qaaddo.

Wuxuu kaloo ka hadlay doorka dowladda ee maxaabiista: “Waa midka hadda aan ku tagnay SSC-Khaatumo oo aan ka codsanay in dadkaasi la sii daayo — kuwa ugu nugul ee xaaladooda caafimaad iyo nololeed ay jilicsan tahay, iyo dumarka in la sii daayo. Halkii haweeney ah ee ku jirtay waa la sii daayay. Waxay ku jirtaa 25-ka qof, dad xanuunsan ayaa ku jira, kuwo jirkooda qaybo ka maqan yihiin ayaa ku jira. Doorka dowladdu wuxuu ahaa in dadkaasi helaan xorriyadooda, daryeelna loo fidiyo.”

Wasiirka wuxuu kaloo xusay in aysan muhiim ahayn in dadka la sii daayay ay ahaayeen shacab ama ciidan, tafaasiil ahaana aysan doorkooda ahayn.

“Waa dad Soomaaliyeed oo diriray oo colaado dhex maray. Waxaannu rabnaa in albaabka nabadda furno, wuxuuna albaabkaasi ku furmayaa tallaabooyinka noocan oo kale ah — sida aan rajaynayno haddii Eebbe idmo,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay booqdeen xabsiga dhexe ee Laascaanood, halkaas oo ay ku soo arkeen xaaladda maxaabiista. Wasiirku wuxuu xusay in ay danaynayeen xog ururin, ayna soo wareysteen saraakiishii ciidamada ee gacanta ku hayay xabsiga.

“Waxay noo sheegeen in xoriyadoodu ka maqan tahay, laakiin xuquuqdooda aysan ka maqneyn oo aysan tabanayn. Runtii waxaan u qaadanay in ay tahay arrin wanaagsan oo Soomaalinimada lagu yaqaan, waana farxad galisay,” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Markii la weydiiyay qorshaha dadka kale ee wali xiran, Wasiirku wuxuu ku jawaabay: “Waa sidaan horay u sheegay — qorshuhu waa in dadkan maxaabiista ah ee SSC-Khaatumo si shuruud la’aan ah u soo daysay ay ahaayeen kuwo xaalad bini’aadantinimo iyo duruufo gaar ah haystaan. Waxaannu ka rajaynaynaa in Somaliland-na ay qaaddo tallaabo la mid ah, taas oo mudan in lagu daydo. Ka dibna waxaan rajaynaynaa in wadahadallo furmaan,” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin.

“Waxaan doonaynaa in nabaddu soo laabato. Markii wadahadalku furmo, annaga doorkeenu waa in aan ka shaqayno sidii wadahadalladaas u furmi lahaayeen, loona heli lahaa nabad waarta. Wixii khilaaf ah ee hore u jirayna waa in laga xaliyo, iyadoo gogol iyo fadhiba la isugu yimaado. Doorka Dowladda Federaalka Soomaaliya waa intaas.”

Dhanka kale, Somaliland oo ka hadashay arrintan ayaa gaashaanka ku dhufatay. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in tallaabadaasi ahayd “daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed”. Wuxuu intaa ku daray in lagu tuntay “xeerarka caalamiga ah iyo xorriyadda muwaadiniinta Somaliland, oo si sharci darro ah loo afduubay.”

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in aysan jirin wadahadal u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo ku saabsan sii deynta maxaabiista. “Maxaabiista uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya geeyay Muqdisho ma ahayn maxaabiis dagaal,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Isagoo ka sii hadlayay go’aannada Golaha Wasiirrada ee Somaliland, ayuu Wasiirku sheegay in ay ka baxeen wadahadalladii u dhexeeyay labada dhinac.

“Maadaama ay Dowladda Soomaaliya si joogto ah ugu kacday xadgudubyo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo mabaadii’da wadahadalladii hore u dhex maray labada dal, Golaha Wasiirrada ee Somaliland waxay go’aamiyeen in laga baxo wadahadalladii lagula jiray Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

- Advertisement -

Read more

Local News