Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxay xaqiijisay in maalinta Sabtida ah ay Magaalada Muqdisho marti gelin doonto shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleedka Igad.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay wefdiga ku soo foolka leh Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Sabtida ay Magaalada Muqdisho marti gelin doono shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Igad.
Afhayeenka, ayaa ku waramaaya in Dowladda Somaliya ay juhdi badan ku bixisay, sidii ay u marti gelin lahey shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Igad, muddo 29 sano ka dib, sida uu yiri.
“Waa guul taariikhi ah in Somaliya lagu qabto shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleedka Igad. Dowladda Somaliya waxay ku bixisay juhdi badan in 29 sano ka dib, ay marti geliso shirkaasi.” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya.
Afhayeenka, ayaa carab dhabay in wax badan ay iska bedeleyso Somaliya, iyadoo uu soo hadalqaaday in caalamka uu xilligaan Somaliya ka heysto, sawir ka duwan midkii hore. Wuxuu soo hadalqaaday in Somaliya ay sanadkii hore marti gelisay shirkii Golaha Ammaanka oo ka qabsoomay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
“Sawirkii uu caalamka ka heystay Somaliya mid ka duwan ayuu hadda ka heystaa, Somaliya waxay horey u marti gelisay shirkii Xubnaha Golaha Ammaanka, oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Daa’uud Aweys Jaamac.
Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa lagu wadaa in uu furo shirka maalinta Sabtida ah ka qabsoomi doono Magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

