28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Puntland oo weli sii wadda ololeheeda ka dhanka ah dadka dega G/DHEXE !!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka Deegaanka, Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, ayaa waxay shalay kulan looga soo horjeedo Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, ay ku yeesheen Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.

Dhinacyadaan, ayaa waxay si weyn kaga horyimaadeen in Dhismaha Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug lagu biiriyo Waqooyiga Magaalada Galkacyo, maadaama Maamulka Puntland uu ka arrimiyo.

Odayaasha Dhaqanka oo siyaabooyin kala gedisan uga hadlay kulankaasi, ayaa waxay aragti mideysan ku sheegeen inaanay aqbali doonin in Waqooyiga Galkacyo lagu biiriyo Maamulka Gobolada Dhexe.

Odayaasha, ayaa sheegaaya in rabitaanka dadweynaha aan marnaba dhegaha laga fureysan karin, isla-markaana aynaan bulshada Waqooyiga Galkacyo aqbali doonin, in laga saaro ka mid ahaanshahooda Puntland.

Sidoo kale waxay kaga diggeen Dowladda Federalka Somaliya inay iska indho tirto rabitaanka dadka ka soo jeedo Waqooyiga Magaalada Galkacyo, ayna ka fiirsato intii ay goori goor tahay.

Axmed Muuse Nuur, Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa isna sheegay inaysan aqbali doonin wax laga soo dhoo-dhoobay buu yiri Xamar iyo Gobolada Dhexe.

Axmed Muuse, ayaa sheegaaya inaanay Dowladdu khasbi karin dadka ku nool Waqooyiga Magaalada Galkacyo iyo qaybaha Gobolkaasi Mudug, uu ka jooggo Maamulka Puntland, sida uu yiri.

Puntland, ayaa Dowladda Somaliya ku dhaliishay inay waxba kama jiraan ka soo jeeday, heshiiskii ay Xukuumaddii C/weli Sheekh Axmed Maxamed Maamulka Puntland kula gaartay Magaalada Garoowe, 14-kii bishii October ee sanadkii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News