Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal wadajir ah oo ka dhacay deegaannada maamulka Puntland, gaar ahaan Buuraha Golis ee gobolka Bari.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howlgalkan, oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah, ay iska kaashadeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Daacish.
“Warbixinnadii ugu horreeyay ee laga helay howlgalkan oo dhacay xalay, ayaa muujinaya in dagaalyahanno badan oo Daacish ah la dilay, iyadoo aan la soo sheegin waxyeello soo gaartay dad rayid ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.
Duqeymaha cirka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo la ogaa in ay gabaad ka dhigtaan dagaalyahannada Daacish, waxaana hadda socda qiimeyn lagu sameynayo khasaaraha cadowga.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:
Howlgal si wadajir ah loo fuliyay, oo ay hoggaaminayeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu beegsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugnaa Buuraha Golis ee gobolka Bari, Puntland.
Warbixinnadii ugu horreeyay ee laga helay howlgalkan, oo dhacay xalay, ayaa muujinaya in dagaalyahanno badan oo Daacish ah la dilay, iyadoo aan la soo sheegin waxyeello soo gaartay dad rayid ah. Qiimeyn lagu sameynayo khasaaraha cadowga ayaa hadda socota.
Duqeymaha cirka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo la ogaa in ay gabaad ka dhigtaan dagaalyahannada Daacish, iyagoo qayb ka ah dadaalka ballaaran ee la dagaallanka argagixisada, oo ay hormuud u yihiin ciidamada Daraawiishta Puntland ee ka howlgala vuuraha Calmiskaad.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo garab ka helaysa saaxiibadeeda caalamiga ah sida AFRICOM, waxay sii wadi doontaa howlgallada milatari ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada sida Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaas oo khatar weyn ku ah nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.