DF oo SHABAKAD hubeysan ku qabatay MUQDISHO iyo hay’ada sirdoonka NISA oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada howl-gallada gaarka ah NISA ay ka sameeyeen degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Howl-galkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo qabtay shabakad isku xiran, isla-markaana Al-Shasbaab u qaabilsaneyd qeybta galbeed ee gobolka Banaadir.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in shabakaddan ay ka kooban tahay rag iyo dumar, isla-markaana iyaga iyo hubkoodii gacanta lagu soo dhigay, gaar ahaan  qoryaha fud-fudud, rasaasta hoobiyaha, bambooyin iyo qorayga RBG-ga ama baasuukaha.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay mar weliba u taagan yihiin ka hortegga falalka liddiga ku ah amniga caasimada.

”Sirdoonka caasimadda ayaa mar walba heegan u ah ka hortagidda khataraha cadawga argagixisada ah ee caadaystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale laamaha ammaanka ayaa xusay inay sii wadi doonaan howl-gallad ka socda gobolka Banaadir, maadaama lagu jiro xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri, waxaana ugu dambeeyey askartii shalay lagu dilay degmada Wadajir.