Daawo: Askari qol shukaansi dartiis Muqdisho ugu dilay askari saaxiibkiis ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helay dil xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya uu askari kale ugu geystay xaafadda Miijiska oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Labada askari ayaa lagu soo warramayaa in ay saaxibo ahaayeen, isla-markaana ay wada daganaayeen guri ku yaalla xaafaddaasi, balse uu muran soo kala dhex-galay, kaas oo sababay in mid ka mid ah askartaasi la dilo isaga oo jiifo, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Muranka ayaa waxa uu ka dhashay, kadib markii askariga dilka geystay oo ay la socotay gabar uu guriga tegay, isla-markaana uu saaxibkiis oo jiifay uu ka dalbaday inuu u baneeyo qolka, si uu ugu shukaansado gabadha, balse uu taasi ku gacan seeray askariga la dilay.

“Labadaan nin way murmeen waxayna ku murmeen qolka iiga soo bax gabar ayaan ku shukaansanaa iyo ma bixi karo saaxibow waan jiifanaa iyo haddii aad jiifaneysid naagtaana wataa meel aan geesto malaha adiga ayaan ku dilaa naagtana waan soo gashanaa,” ayuu yiri askariga la dilay walaalkiis oo la hadlay Telefishinka Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka waxaa lagu magacaabi jiray Jibriil Xasan Cali, wuxuun ka tirsanaa guutada 14-ka October, halka askariga dilka geystay uu isna ka tirsan yahay ciidamada Gorgor.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka iyo sidoo kale maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhacdadaasi.

Arrintan ayaa filan waa ku noqotay dadka deegaanka ee ku nool xaafadda Miijiska ee degmyada Yaaqshiid, kuwaas oo haatan si aad ah u hadal hayo falkaasi dilka ah.