DF oo shahaadooyinka u diiday ardayda Puntland iyo kulan xasaasi ah oo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa Shahaadada dugsiga Sare u diiday Ardayda ka baxday Iskuulada ku yaala degaanada Maamulka Puntland, islamarkaana qalin Jebiyay Sanad dugsiyeedka 2018-2019, taasi oo maanta un soo shaac baxday.

Guddoomiyaha Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland, Faysal Axmed Warsame oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho iyo kuwa Puntland ayaa cadeeyay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay diiday bixinta Shahaadada dugsiga ee Ardayda Puntland.

Boqolaal kamid ah Ardayda Sanadkaan ka qalin Jebisay dugsiyada degaanada Puntland oo Muqdisho u yimid sidii ay u qaadan lahaayeen Shahaadada ayaa dib ugu laabtay degaanada Puntland kadib markii ay waayeen Shahaadada.

Ardayda ayaa loo sheegay in aysan heli doonin Shahaadada, ilaa ay Puntland ogolaato in imtixaanka mideysan ee Qaranka ka qayb-qaadato, iyagoona lagu amray in ay dib ugu laabtaan Puntland iyo degaanadii ay ku  yimaadeen.

“Boqolaal kamid ah Ardayda Puntland ayaa dib ugu soo laabtay Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo magaalooyin kale kadib markii loo diiday Shahaadada” ayuu yiri Faysal Axmed Warsame.

“Muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya DF-ka iyo maamul gobaleedyada waxa uu saameeyay adeegyada Bulshada waana wax laga xumaado” ayuu yiri Faysal Axmed Warsame oo warbaahinta Muqdisho la hadlay.

Dhinaca kale, goor dambe oo maanta ah ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana laga soo doortay degaanada Puntland waxay ku guuleesteen in ay xaliyaan arrintaasi kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

“Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax.