Dowladda oo sheegtay in la dhaawacay afhayeenka Al-Shabaab CALI DHEERE

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay warbaahinta ciidamada ee SNA Radio, waxaa dhaawacmay Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Sida lagu baahiyey xogtaan, Cali Dheere waxaa lagu dhaawacay dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhaxeeyey dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay warbaahinta ciidamadu sheegtay in dhaawaca Cali Dheere lagu dabiibayo aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay isugu tageen Al-Shabaab-kii lagu jebiyey Ceel-qooxle.

Sidoo kale ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ayaa dagaalkaas ku dilay sarkaal kale oo lagu magacaabo Qoorgaab, ninkaan ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhadaha, gaar ahaan kuwa ka dagaalama gobollada Shabeellooyinka, sida ay xogteeda ku baahisay Idaacadda Ciidamada ee SNA RADIO.

Markii laga soo tago xogtaan ay baahisay Idaacadda Ciidamada, ma jirto ilo kale oo Caasimada Online u xaqiijiyey dhaawaca afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere, dhankooda Al-Shabaab weli kama hadlin warkaan.