26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

DF oo shirkad uu leeyahay Elon Musk siisay ruqsad ay kaga howlgasho Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa Axadda maanta ah si rasmi ah u siisay shirkadda Starlink ee uu leeyahay Elon Musk ruqsad isgaarsiineed, taasoo u oggolaaneysa in ay ka hawlgasho gudaha Soomaaliya.

Munaasabadda guddoonsiinta ruqsadda oo ka dhacday caasimadda Muqdisho waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo wakiillo ka socday shirkadda Starlink.

Shirkadda waxaa munaasabadda ku matalay Ryan Goodnight, Agaasimaha Sare ee Suuqa Starlink, iyo Micaela Pawlak, Maareeyaha Gelitaanka Suuqa. Labada mas’uul ayaa caddeeyay in adeegga internet-ka ee ay bixiso shirkaddu uu dhowaan ka billaaban doono guud ahaan dalka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasin Sheekh, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in soo-gelitaanka Starlink uu wax weyn ka tari doono dadaallada lagu ballaarinayo adeegga internet-ka ee dalka.

“Waxaan rajeynaynaa in adeeggan uu si gaar ah u anfici doono shacabka Soomaaliyeed, ganacsatada, iyo hay’adaha dowladda ee ku sugan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn, halkaas oo adeegga internet-ku xaddidan yahay,” ayuu yiri Maareeyaha.

Dhankiisa, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Maxamed Aadan Macallin, oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn u soo dhoweyneyso imaanshaha Starlink.

“Waxaan soo dhoweyneynaa in Starlink soo gaarto dalkeena. Tallaadaban waxay la jaanqaadeysaa aragtida fog ee dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la gaarsiiyo adeeg internet oo meel kasta gaari kara, isla markaana la awoodi karo,” ayuu yiri Wasiirka.

Soomaaliya ayaa horey ugu tiirsaneyd dhowr xarig internet oo badda laga soo geliyo, kuwaas oo ku xiran qaar ka mid ah xeebaha dalka. Starlink ayaa ku soo kordhinaya adeeg cusub oo ku shaqeeya dayax-gacmeedyo, taasoo suurta-galin doonta in internet-ku gaaro gobollo iyo tuulooyin aad u fog oo aan horey loogu heli jirin adeeg isgaarsiineed oo joogto ah.

- Advertisement -

Read more

Local News