DF oo shirkadaha dalka ka dalbatay xogta qarsoodiga ah ee u keydsan si loo helo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Hayโ€™adda Istaatistikada Qaranka ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah uu u bilowday Sahanka Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo hadda ka socda dalka oo dhan.

Hay’adda ayaa sheegtay in sahankan uu qayb muhiim ah ka yahay ururinta iyo diyaarinta tirakoobyada dhaqaalaha ee dalka, iyadoo fartay shirkadaha gaarka loo leeyahay soo gudbinta xogta iyo macluumaadka looga baahanyahay.

“Sharcigu waxa uu si cad u dammaanad qaadayaa in dhamaan xogta aad bixisaan loo adeegsado oo kaliya ujeeddooyin tirakoob oo keliya, isla markaana si adag loo ilaalin doono qarsoodiga iyo sirta ganacsiga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hayโ€™adda Istaatistikada Qaranka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Sidaas darteed, waxaan halkaan idinku ogeysiinayna kuna adkeyneynaa dhamaan ganacsiyada inay si hufan ula shaqeeyaan xog-ururiyayaasha ka socda Hayโ€™adda Istatistikada Qaranka.”

Sahanka dhaqaale ee ay sameynayso hay’addu ayay sheegtay in lagama maarmaan u yahay; qorshaynta horumarinta qaranka, xisaabinta wax soo saarka guud ee dhaqaalaha, dejiinta iyo qiimeynta siyaasadaha dhaqaalaha iyo xoojinta isdhex-galka maalgashiga gudaha iyo dibadda.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Ujeeddo: Wargalin Sahanka Dhaqaalaha Ganacsiga

Mudane/Marwo,

Hayโ€™adda Istatistikada Qaranka (HIQS) waxay si rasmi ah u bilawday Sahanka Dhaqaalaha ee Sannadlaha ah, kaas oo hadda ka socda dalka oo dhan. Sahankan waxa uu qayb muhiim ah ka yahay ururinta iyo diyaarinta tirakoobyada dhaqaalaha ee dalka, kuwaas oo lagama maarmaan u ah:

  • Qorshaynta horumarinta qaranka
  • Xisaabinta wax soo saarka guud ee dhaqaalaha
  • Dejiinta iyo qiimeynta siyaasadaha dhaqaalaha
  • Xoojinta isdhex-galka maalgashiga gudaha iyo dibadda.

Sida ku cad Sharciga Istatistikada 2020 (Qodobka 27 iyo qodobbo kale oo khuseeya), dhamaan ganacsiyada, hayโ€™adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladeedba waxaa waajib ku ah inay si buuxda oo sax ah u bixiyaan xogta iyo macluumaadka looga baahanyahay.

Sharcigu waxa uu si cad u dammaanad qaadayaa in dhamaan xogta aad bixisaan loo adeegsado oo kaliya ujeeddooyin tirakoob oo keliya, isla markaana si adag loo ilaalin doono qarsoodiga iyo sirta ganacsiga.

Sidaas darteed, waxaan halkaan idinku ogeysiinayna kuna adkeyneynaa dhamaan ganacsiyada inay si hufan ula shaqeeyaan xog-ururiyayaasha ka socda Hayโ€™adda Istatistikada Qaranka.

Wada shaqeyntinna waa ahmiyad fure u ah in la helo xog dhab ah oo ka tarjumuysa xaaladda dhabta ah ee dhaqaalaha dalka, taas oo ugu dambeyn faaโ€™iido u leh bulshada guud ahaan iyo ganacsatada gaar ahaan.

Mahadsanidiin.

- Advertisement -

Read more

Local News