DF oo SHURUUD cusub ku xirtay badeecadaha laga soo dejiyo dekedda iyo garoonka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo la xidhiidha badeecadaha iyo alaabaha kale ee laga soo dejiyay dekedda iyo garoonka Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu wargeliyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqsiyaadka kale ee badeecadaha soo dejiya in hadda kadib cidii aan wadan shahaadada waafaqsanaanta ee hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliya in aysan wax badeeco ah kala soo dagi karin dekada iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed waxay u x saaran tahay dejinta iyo hirgelinta halbeegyada dalka, sugidda cabirada iyo hubinta tayada badeecadaha iyo qalabyada kala duwan ee dalka soo gelata ama ka dhoofaya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliya.

“Hay’adda waxay ogeysiinaysaa dhamaan shirkadaha iyo ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo alaabaha kala duwan ka soo dejiya Dekadda Muqdisho iyo Garoo ka Aadan Cadde in ay la imaadaan shahaadada waafaqsanaanta (Certificate of Conformity).”

Sidoo kale waxay sheegtay in cidii baalmarta qaadashada shahaadadaasi aan loo ogolaan doonin inay soo galiso badeecadda dalka, ayna muteysan doonaan ganaax lacageed iyo ciqaab laga bilaabo 1-da bisha September 2023-ka.

Hay’adda waxay u xilsaaran tahay aqoonsi (accreditation) iyo shahaado (certification) siinta, ayadoo laga dulaayo ilaalinta Tayo-dhawrka badeecadda, caafimaadka iho badqabka bulshada iyo deegaanka.”

Si kastaba, amarka kasoo baxay hay’adda Tayo-dhowrka ayaa hadda kadib ku waajib yeelaya ganacsatada qaadashada shahaadada waafaqsanaanta, haddii ay baalmaraan waxay la kulmi doonaan ciqaab iyo ganaax lacageed.