Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa si adag u cambaareysay falkii naxdinta lahaa ee shalay ka dhacay magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu gubay afar carruur ah.
Falkaan oo la sheegay inuu geystay aabaha dhalay caruurta ayaa waxay wasaaraddu ugu baaqday hay’adaha amniga ee Hargeysa in si deg-deg ah baaritaan buuxa ugu sameeyaan falkaan foosha xun ee ka soo horjeeda diinteena suubban iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Wasaaradda ayaa sheegtay in warbixinada hordhaca ah ee ay helayso tilmaamayaan in uu jiray khilaaf qoys oo u dhexeeyay Hooyada iyo Aabaha carruurta, khilaafkaas oo maxkamadda Hargeysa ay go’aamisay in carruurta Hooyada lagu wareejiyo.
Waxaa la sheegay in Aabuhu uu ka carooday go’aankaas, isla markaana uu dab qabadsiyay guriga ay carruurti u joogeen, taas oo sababtay dhimashada carruurtaas aan waxba galabsan.
Caruurtan ayaa kala ahaa saddex wiil iyo gabadh yar, oo dhamaantood ka yaraa da’ada 10 jirka.
“Wasaaraddu waxay cambaareyneysaa falkaas foosha xun ee ka soo horjeeda diinteena suubban iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Ficil kasta oo Aabe Soomaaliyeed uu nafta uga qaado carruurtiisa waa mid laga naxo oo aan meelna uga bannaanayn diinta, damiirka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda kasoo baxay caawa.
Waxa kale oo lagu yiri “Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay ugu baaqeysaa hay’adaha amniga ee magaalada Hargeysa in si degdeg ah baaritaan buuxa loo sameeyo, eedeysanaha falkanina la horkeeno caddaaladda, si loo helo caddaalad buuxda.”
Sidoo kale, wasaaraddu waxay ku boorisay bulshada Soomaaliyeed in ay muujiyaan feejignaan iyo iska warqab joogto ah, si looga hortago falalka arxan-darrada iyo xasadka ku dhisan ee ka dhasha khilaafaadka qoysaska.
“Waxaa muhiim ah in bulshada iyo hay’adaha amniga ay si deg-deg ah u kala warqabaan haddii ay arkaan khilaafyo ka dhex dilaacay qoysas Soomaaliyeed, si looga hortago in ay noqdaan kuwo sabab u ah khasaare nafeed.”
Hay’adaha amniga ayey tilmaamtay inay saaran tahay mas’uuliyadda ilaalinta bulshada, gaar ahaan kuwa nugul sida Haweenka iyo Carruurta, kuwaas oo xaq u leh in ay ku noolaadaan deegaan nabdoon, ammaan ah, kana fog falalka rabshadaha iyo xad-gudubyada.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa gilgishay bulshada magaalada Hargeysa, iyadoo si xooggan uga hadleen culimada, madaxda deegaanka iyo ururrada bulshada, kuwaas oo ku baaqay in la adkeeyo tallaabooyinka sharci ee ka hortagga rabshadaha qoyska, si aysan usoo laaban dhacdo noocaan ah.
Si kastaba, baarista kiiskaan ayaa waxaa gacanta ku haya laamaha amniga Somaliland, iyadoo Aabihii falkan arxandarada ah geystay la soo qabtay, isagoo baxsanaya, waxaana uu haatan ku xiran yahay xabsi ku yaalla laanta dambi baarista ee CID-da.


