DF oo si kulul u cambareysay weerar ka dhacay Sacuudiga

Muqdisho (Caasimda Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saartay weerar dhanka cirka ah oo ay kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ku qaadeen magaalada Khamis Mushait oo ku taalla gudaha dalka Sacuudi Carabiya.

Warsaxaafadeedkan oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay cambaareyneyso weerarkaasi oo ay ku tilmaamay inuu ahaa mid argagixiso, sida ay hadalka u dhigtay.

Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay aad uga xun-tahay weerarkaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kooxda Xuutiyiinya dalka Yemen.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay mar-weliba garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga.

“Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Cambaareynta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay Xuutiyiinta ay kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan dalka Sacuudiga.