DF oo soo bandhigaysa shaqsiyaad dambiyo dalka ku galay oo ka maqan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyay in uu dhawaan soo bandhigi doono eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay, kuwaasi oo ka maqan.

Taliska ayaa sheegay in tallaabada ay qeyb ka tahay sidii cadaalad loogu qaado, sida ay qabaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu maanta taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeye-Guuto Sulub Axmed Firin uu kormeer ku tegay xarunta hoggaanka xariirka dibadda iyo Interpol ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo bandhigidoona eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay si cadaalad loogu qaado sida ay qabaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka u yaala,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilligaan waxa uu xubin buuxda ka yahay Booliska caalamka ee Interpol, taas oo qeyb libaax ka qaadatay la-dagaalanka dambiyada xaduudaha ka gudba iyo kuwa caalamiga ah.

Taliye Sulub ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay ayaa waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba, dib u habeynta uu taliska cusub ku sameeyay xarumaha hoosyimaada iyo shaqadii uu hayay ayaa muddooyinkii dambe laga dareemay caasimadda, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.