M/weyne ku-xigeenka Somaliland oo weerar culus ku qaaday xukuumadda, “Somaliland wey hagratay…”

Boorama (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa markii u horeysay si shaacsan u sheegay in Somaliland ay hagratay dadka reer Awdal.

Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlayay munaasabad ka qabsoomtay Boorama ayaa waxa uu sheegay in uu tabashada la qabo dadka reer Boorama, “balse ay tahay in si nabada loo wada baadi doono wixii dhiman.”

“Aniga ayaa qirsan in reer Awdal ay wax ka maqan yihiin oo ay Somaliland hagratay anaa qirsan. Xisbiga aan madaxweyne ku-xigeenka ka ahay ee Kulmiye waa xisbiga horumarka ugu badan dalka galiya lakiin howshaa reer Awdal way ka qatan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay suurta-gal ahayn in la waxyeeleeyo magaalada Boorama, oo ku tilmaamay mid leh aqoon, soo dhawayn iyo nidaamka biyo galinta ee ugu fiican guud ahaan Somaliland.

“Haddaa wax tabaneysaan ha duminina magaaladiina ee gar ayaa ka muuqata wada-hadal ayaa ka muuqda, wixii aan tabaneyno ee maqan aniga hoggaankii ah reer Awdal. Xukuumadda kamid ahay way hagratay. Waxa dhiman waa idinla qaba, waxaa qurux badana in Somaliland ay run isku sheegto.”

Saylici ayaa waxa kale oo ka dhawaajiyay in magaalada colaadda ka taagan tahay ee Laascaanood ay heli jirtay in ka badan miisaaniyadii loogu talo-galay mid ka badan oo ay garan waayeen, “inta badan Boorama waxaa lagu haleeyay hay’addaha uun, maadama ay nabad tahay.”

Qirashada Saylici ee tabashada siyaasaddeed ee muddo soo jirtay ee qabaan reer Awdal iyo gobollada Galbeed ayaa waxay imaneysa xilli ay maalmo kahor ay rabshado horleh ka dhaceen magaalada Boorama, taasi oo looga soo horjeeday dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal.

Si kastaba, Waa markii u horeysay ee madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu si shaacsan uga garaabo tabashada saami-qeybsi ee Somaliland ka qabaan reer Awdal, uuna ku marqaati furo xukuumadda uu qeybta ka yahay, ayada oo durtaba soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in uu ka leeyahay ujeedooyin siyaasadeed iyo dejinta xiisadda ka taagan gobolka.