Xogta heshiis saddex geesood ah oo uu saxiixay Hantidhawrka guud ee qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta saxiixay heshiis muhiim ah oo saddex-geesood.

Heshiiskan cusub ayaa waxaa u ka dhaxeeya dhinacyada: Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Heshiiskan ayaa soconaya sannadaha 2023-2024 ayaa wuxuu u gogol xaaraya sii wadista taageerada farsamo iyo kobcinta awoodda iyo hufnaanta shaqada iyo shaqaalaha ee uu xafiisku horay uga heli jiray hay’adaha bah-wadaagta caalamiga.

Sidoo kale waxaa heshiiskan gacan ka gaysanaya dadaallada lagu dardar-galinayo dhaqan-galinta qorshaha istaraatiijiyadda cusub ee sanadaha 2023 illaa 2025.

Qorshahan ayaa waxa uu hagi doona hawl-qabadyada Xafiiska ee muddada shanta sanno ee soo socota, sida uu sheegay xafiiska Hantidhawrka guud ee qaranka.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maalmihii dambe ku sugna dalka Ghana, isaga oo shalay magaalada Accra uga qayb-galay furitaanka shirka Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Afrika (AFROSAI-E) oo sannadkan ka qabsoomay dalkaas.

Shirkaas oo ay sannadkan martigalinayso Hay’adda Hantidhawrka Guud ee Ghana ayaa waxaa qayb ka ah Hantidhawrayaasha Guud ee 26 dal oo ku midoobay Ururka Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla luuqadda Ingiriisiga iyo hay’ado kale oo ka mid ah bah-wadaagta horumarinta caalamiga.