Dhacdooyin ugub ah oo ka dhacay saddex degmo oo ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dowladda federaalka Soomaaliya xoogga saartay amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyo dagaalka Shabaab waxaa soo isa-soo tarayay dhacdooyinka la xiriira sida ay bulshada qeybta ugu yihiin sugida amniga, ayna si dhiiran uga hortagayaan argagixisada iyo kuwa raba qalqal-galinta caasimada.

Waxaa soo qaadaneyna saddex dhacdo oo lagu tilmaamay kuwa ugub ah oo ka dhacday saddex degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasi oo kala ah.

Dhacdada koowaad: Haweenay ay Shabaab-ka gurigeeda isku dayeen inay ka weeraraan ciidamada amniga oo halkaas ka ag-dhowaa, oo ayada iyo qoyskeedii oo isku duuban ay u cuntami weysay arrintaas, taasi oo markii dambe sababtay in walaasheed ay ku dhimato diidmada ay kala hortageen Shabaab-ka.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaar kamid ah caruurteeda iyo ninkeedii, si ay u badbaadiyaan ciidanka ay waxyeelada la damacsaneyd Shabaab.

Waxay tani muujineysa sida shacabka Muqdisho ay uga go’an tahay in caasimada ay noqoto mid ka madhan falalka argagixisada ay usoo maleegayaan. Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Tan labaad ayaa iyaduna ah: Wiil dhallinyaro xoogsato ah oo hortiisa lagu diley askari Boolis ah.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu raacdeystay laba xubnood oo Shabaab ah oo markaas dilka geysatay illaa markii dambe ay ku guuleysteen isaga iyo ciidamo boolis ah oo uu wacday inay qabtaan labadii Shabaab-ka aheyd iyo hubkoodii.

Dhacdadan ayaa iyaduna ka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Midda saddexaad ee aan warbixinteena kusoo qaadaneyno ayaa iyaduna ah: Nin kale oo da’ dhexaad ah oo asaga iyo saaxiibkiis ay arkeen Shabaab jawaanno ku wata hub iyo bambooyin.

Ninkan iyo saaxiibkiis ayaa waxay u bareereen in ay qabtaan Shabaabkii iyo hubkoodii!. Waxay dhacdadan ka dhacday degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Saddexda dhacdo inkasta oo ay meelo kale duwan ka dhaceen haddana waxay wadaagaan hal dareen oo ah shacab dhiiraday oo qeyb ka ah sugashada amnigooda, waana meesha mudada dheer lala rabay shacabka Muqdisho inuu gaaro.

Si kastaba, Dowladda oo ayadu sii dhiiri-gelineysa geesinimada shacabka iyo inay qeyb ka noqdaan ka hortaga falalka amni darro ayaa abaalmarisay shaqsiyaadka ku xusan saddexdaan dhacdo ee aan soo sheegnay.