Ra’iisul wasaaraha Finland iyo Seygeeda oo kala tegay

Helsinki (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka ka dageysa ee Finland Sanna Marin iyo seygeeda saddexda sano Markus Raikkonen ayaa saxiixay warqadaha furriinka, sida ay Arbacadii ku sheegeen Instagram.

“Waxaan ka mahad-celineynaa 19-kii sano ee aan wada joognay iyo gabadheena aan jecelnahay. Waxaan ahaan doonnaa saaxiibada ugu wanaagsan,” ayay ku yiraahdeen laba qoraal oo kala gooni ah oo ay soo dhigeen Instagram.

Marin iyo Raikkonen, oo ka shaqeynayey shirkad maalgashi illaa dhowaan, ayaa wadaaga gabar 5 sano jir ah.

Waxay ay isguursadeen 2020, xilligaas oo Marin ay aheyd ra’iisul wasaare lana tacaaleysay saameynta cudurkii COVID-19.

“Waxaan soo wada qaadanay caruurnimadeena, waan wada kornay illaa aan waalid uga noqono gabadheena qaaliga ah,” ayey Marin ku qortay Instagram kadib markii ay is mehersadeen Raikkonen bishii August ee 2020.

Marin iyo xisbigeeda Social Democratic Party (SDP) ayaa looga adkaaday doorashadoo baarlamanka ee Finland ka dhacday bishii tagtay, ayada oo ay ka hormareen isbaheysiga midigta fog ee National Coalition Party iyo xisbiga waddaniga ee Finns Party.

Marin, oo ah 37 jir noqotay ra’iisul wasaaraha ugu da’da yar markii ay xafiiska la wareegtay 2019-kii, ayaa taageerayaasheeda caalamka waxay u arkaan inay tusaale u tahay hoggaamiyeyaasha da’da yar ee siyaasadda bidix, inkasta oo shacabka dalkeeda ay doorbideen dowlad cusub.

VOA  + REUTERS