Huruuse oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee UK

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse)  ayaa waraaqadaha aqoonsiga ee danjirenimo ka gudoomay safiirka cusub ee dowladda UK ee arrimaha Somalia, Michael Nithavrianakis.

Wasiir Huruuse oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay inuu nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub  ee UK, isaga oo guul u rajeeyay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in labada waddan uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo muddo dheer soo jiray, kaas oo ku dhisan iskaashi.

“Waxaan maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub  ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona dalkeenna  Mudane Michael Nithavrianakis. Dalkeenna iyo Boqortooyada UK waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan,” ayuu warsaxaafadeedkiisa ku yiri wasiirka arrimaha dibadda Somalia.

Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan ammaanka, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta.

“Waxaana ka wada shaqaynaa dhinacyada ammaanka, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo gargaarka. UK ayaa ahayd dowladdii ugu horaysay ee wadamada Galbeedka ka tirsan ee Safaarad fadhigoodu yahay Muqdisho ka furatay dalkeenna 2013” ayuu yiri mar kale yiri wasiirka arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Jaamac Haruuse.

Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u qaabilsanaan doono arrimaha Somalia, Michael Nithavrianakis ayaa badalay safiirkii hore ee dalkaasi Kate Foster, taas oo si weyn loogu xasuusto doorkeedii ku aadanaa doorashooyinkii soo dhammaaday dalka ee 2022-kii.

Sidoo kale waxaa danjiraha cusub la filayaa in saacadaha soo socdo uu madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyo warqadaha aqoonsiga, si uu u guda galo shaqadiisa.

Si kastaba, Michae ayaa ah diblomaasi rugcaddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha dibadda ee UK, wuxuuna markii u dambeysay ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maalgashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, 2022 ilaa 2023, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadaha UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo waddanka Ghana.