Sawirro: DF oo daah-furtay sanduuqa mideysan ee kaalmada caalamiga ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka daah-furtay Sanduuqa Wada-jirka ah ee Soomaaliya.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa daah-furay sanduuqan, kaasi oo siinaya dowladda hab lagu hubinayo islamarkaana si toos ah ula jaan-qaadi kara qorshayaasha hortabinta u leh Qaranka Soomaaliyeed

Sanduuqan ayaa xoojinayana lahaanshaha qaranka ee kaalmada horumarinta ee caalamiga ah iyo in si wada-jir ah oo mudnaan loo siiyo iyo isku dubbaridka isticmaalka kheyraadka sida ugu wanaagsan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay daah-furka ayaa sheegay in qorshaha xukuumadda iyo ka guud ee qaranka ay ku salaysan yihiin sidii loo heli lahaa Soomaaliya isku filan oo isku tashata si saaxiibbada beesha caalamku ay ugu gurmadaan meelaha kale ee mudan taageerada.

Mudane Saalax ayaa ugu mahad-celiyay saaxiibbada beesha caalamka ee qeybta ka ah sanduuqan garab istaaggooda iyo taageerada ay la barbar joogaan shacabka Soomaaliyeed.

Sanduuqa Wada-jirka ah ee Soomaaliya ayaa noqonaya halka ay kusoo xaroodaan kaalmadda horumarinta ee Soomaaliya loogu tala-glay, sida ay shaacisay wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo Muqdisho ka daah-furtay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sanduuqan ay iska kaashadeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ee taageera Soomaaliya.

Daah-furka sanduuqan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka.

Madashaas oo qeyb ka aheyd hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda federaalka iyo deeq-bixiyayaasha, ayaa waxaa qeyb ka ahaa bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.