Soomaaliya oo iskaashi cusub la yeelaneysa Morocco

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galaya shirka wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee Qaaradda Afrika ayaa kulan doceed (Sideline Meeting) la yeeshay dhiggiisa Marooko Mudane Maxamed Al-Mahdi bin Saciid.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa diirradda lagu saaray iskaashi cusub oo dhex-mara labada wasaaradood, gaar ahaan sidii Boqortooyada Marooko ay Soomaaliya uga taageeri lahayd horumarinta garoomada ciyaaraha.

Sidoo kale waxaa iskaashigan cusub qeyb ka ah xarumo farsamada gacanta iyo xirfadaha gaagaaban lagu baro dhallinyarada Soomaaliyeed, taasi oo xilligaan baahi badan u qabo dalkeenna.

Labada wasiir ayaa ku heshiiyay inay koox farsamo ah u saaraan sidii loo soo diyaarin lahaa heshiis is-afgarad oo labada wasiir ay kala saxiixdaan, si loo diiwaan-geliyo heshiiska labada dowladood oo loo marsiiyo hay’adaha sharciga u leh ee labada dal.

Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya ayaa dadaalo badan ku bixinaysa sidii dhallinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen garoomo ku filan oo casri ah iyo goobo lagu tababaro si loo yareeyo shaqo la’aanta dhallinyarada.

Wasaaradda ayaa waxaa sanadkaan u qorshaysan inay tababarto shan kun oo dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaagaaban.

Si kastaba, Shirka ay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha uga qeyb-gashay magaalada Ribaat ee Boqortooyada Marooko ayaa waxaa looga hadlayay horumarinta dhallinyarada Afrika iyo qiimayn lagu samaynayay waxyaabihii ka hirgalay caqabadihii dhallinyarada Afrika.