27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

DF oo soo iibsatay diyaarado kuna dhawaaqday xilliga howl-gelinta Somali Airlines

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo iibsatay laba diyaaradood oo nooceedu yahay Airbus A320, kuwaas oo ku howl-gali doona magaca Somali Airlines.

Diyaaradahan oo dib loogu kicinayo shirkaddii Somali Airlines ayaa si rasmi ah u howl-gali doona muddo laba bilood gudahood ah, sida ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan ayaa maanta lagu saxiixay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux ayaa bulshada la wadaagay xogta heshiiskaan iyo diyaaradaha la soo iibiyey.

“Waxaan maanta heshiis kala iibsi ah la bilownay shirkad la yiraahdo Lima Air Group, waxaan ka iibinay laba diyaaradood oo ah Airbus A320. Shirkadahaas waxay howl-gelin doona muddo laba bilood ah, heshiiskaasi maanta ayuu kusoo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Heshiiska maanta la saxiixay ayaa soo socday muddo, waxaana uu bilow u yahay qorshe ay Dowladda Soomaaliya ku soo iibsaneyso diyaarado rakaab oo casri si loo horumariyo shirkadda Somali Airlines.

“Go’aanka dowladda waa in arrintaan bilow tahay, diyaaradaha waxaan u gadi doonaa si raxan raxan ah, diyaaradahan waxaa ku xigi doona laba illaa saddex kale. Waxaa dooneyna in muddo kooban ay diyaaradda Somali Airlines la tartanto adeegyada caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Faarax.

Dib u howl-galinta diyaaradii Soomaali Airlines ayaa Soomaaliya uga dhigan guul wayn, iyadoona muddo ku siman Soddan sano ay howlgab ahayd diyaaradu, taasi oo meesha ay ka saareen dagaaladii sokeeye ee ka qarxay dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News