DF oo soo saartay baaq cusub – Maxaa dhacaya Jimcaha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa  iclaamisay in la sameeyo Salaad roob doon ah maalinta Jimcaha, xili abaaro daran ay ka jiraan deegaano kamid ah dalka.

Cumar Cali Rooble, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay Sooman muddo afar maalin ah.

“Wasaaradu waxay qaadatay ayada oo wakiil ka ah dowlada Soomaaliyeed Shacabkeed in aan ku baaqno maanta oo Talaado ah oo bishu tahay 07/12/2021 illaa maalinta Jimcaha ay sooman afartaas maalmood,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Rooble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalinta Jimcaha gelinka hore saacadu markay tahay 9:00AM la oogo Salaad roob doon ah, taasi oo ay iclaamin doonaan goobta lagu tukanayo maamulada degmooyinka iyo gobolka.

“Waxaa ugu baaqeyna umadda Soomaaliyeed guud ahaan inay rabigood u soo laabtan oo Soomaan, maalinta Jimcaha khudbada ka hor saddex saac qof walba uu u dhaqaaqo xarunta loo asteeyay ku dukashada salaada roob doonta.”

Wasiirka ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la is cafiyo, iyagoo Illaah ka baryaya inuu shacabka ka dulqaado abaarta.

“Umadda Soomaaliyeed waa in loo wada istaago arrintaas fulinteedana waa waajib na-wada saaran, umaddeena iyo hantideena ayaa baaba’aysa. Waxaa Ilaahay uga baryeynaa in uu roob deg-deg ah na siiyo oo uu naxariistiisa noo furo.”

Warkan maanta kasoo baxay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa imanaya xili deegaano badan oo kamid ah dalka ay ka jirto abaar baahsan, islamarkaana ay hay’addaha gar-gaarka iyo dowladduna ka gaabiyeen gaarsiinta gar-gaarkii loo baahna.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii