Dr. Culusow oo shaaciyey hal arrin oo lagu sii wadi karo doorashooyinka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Maxamuud Maxamed Culusow oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muranka xoogan ee hareeyey doorashooyinka ka socda dalka ee 2021-ka.

Culusow oo wareysi siiyey Universal TV ayaa shaaca ka qaaday in dalkii la kala qeybsamay, isla-markaana dowlad goboleedyadii ay noqdeen labo iyo saddex, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ka digay in haatan dalka la galiyo qalalaase siyaasadeed oo horleh, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in isbedal la sameeyo, si loo dajiyo xaaladda.

Waxa kale oo uu soo hadal soo qaaday doorashada socota, isaga oo shaaca ka qaaday hal arrin oo lagu sii wadi karo, wuxuuna soo jeediyey in la bedallo hoggaanka madaxtooyada.

“Dalkii waa kala qaybsamay, waxaa loo kala qaybsamay saddex iyp labo dowlad goboleedyadii, arrimahaan waxa ay u baahan yihiin in is badel la sameeyo. Doorashada lama sii wadi karo ilaa madaxtooyada la badelo” ayuu yiri Dr Maxamuud Culusow.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in boob lagu hayo doorashada socota, isla-markaana dadka ay ku hayaan mas’uuliyiinta weli haya talada, iyagoo isticmaalaya ciidanka iyo dhaqaalaha.

“Doorashadaan hal sanno ayay dib u dhac tahay, waxaa ka daran dhaqanka iyo magac xumada iyo waxa ay ka abuureyso, dadkii mas’uulka ka ahaa boobka ayaa weli awoodda meesha ku haya oo isticmaalaya ciidamada iyo dhaqaalaha,” ayuu raaciyey Dr Culusow.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan ay cabasho xoogan ka taagan tahay qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo kuraas ka mid ah doorashadeeda lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii