DF oo soo saartay digniin cusub oo ku wajahan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobollada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.

Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in roob xoogan ka di’i doonaan qaar ka mid ah gobollada dalka sida; Awdal, Waqooyi-galbeed, Sool, Sanaag, Togdheer, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada-Dhaxe, Banaadir, Shabeellada-Hoose, Jubadda-Dhexe iyo Jubadda-Hoose.

“Waxay saadaashu roobka xilliga Gu’ga todobada casho ee soo socota oo ah asbuuca ugu horeeya ee bisha May 2023-ka in gobolladaasi sida saadaashu sheegayso ay heli doonaan roobab cabirkoodu gaarayo 50 illaa 150 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SODMA.

Hay’adda ayaa waxay si adag ugu digaysaa bulshada ku nool gobollada kor ku xusan iyo Webiga hareerihiisa in ay aad uga feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidoodaba.

“Degmooyin kamid ah gobollada aan kor kusoo xusnay waxay saadaashu sheegaysaa inay dadka degan deegaanadaasi ay wajihi doonaan daadad iyo fatahaado (Flood and Flash floods). Waxaa sidoo kale looga digayaa bulshooyinka ku nool gobolladaasi inay iska ilaaliyaan togaga biyuhu maraan xilliga roobku da’ayo, taasi oo khatar galin karta naftooda.”

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxa kale oo ay uga digtay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in aysan deegaameyn ama guryo ka dhisan meelaha biyo mareenka ah si ay ugu badbaado naftooda iyo hantidooda.

Hay’adda ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay “haddii roobabka la filayo toddobaadkaan ay u da’aan sida saadaashu sheegayso ay geeysan karaan khasaare ka dhasha fatahaado iyo daadad saameyana naf iyo maalba,” sidaas darteed ay tahay in si aad ah loo feejignaado.