26.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Sawirro: DF oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib weerarkii xalay ee gudaha Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan weerarkii tooska ahaa ee ay xalay Al-Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ay ciidanka ammaanka ku leeyihiin duleedka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay kontoroolka Buurta Cali Janaale, oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo amniga caasimadda. Dagaal culus ayaa halkaas ku dhexmaray labada dhinac, kaas oo socday ku dhowaad 30 daqiiqo.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa markii hore adeegsatay baasuukeyaal, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Dowladda oo ka duuleysa ka hortagga weerarada Al-Shabaab ayaa isla maanta ciidamo ka tirsan Haramcad gaysay daafaha caasimada, gaar ahaan dhinaca Shabeellaha Hoose, kuwaas oo haatan howlgallo ka bilaabay deegaannada u dhow magaalada Muqdisho.

“Iyada oo la fulinayo amarka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guud Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa cutubyada Ciidanka Haramcad maanta sameeyay howlgal ballaaran oo lagu sifeynayo kooxaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaannada Maracade iyo Galla Saalimow ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka gaarka ah ee Haramcad.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Howlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho, iyadoo ciidanku ay wadaan baaritaanno iyo burburin fadhiisimadii ay kooxdaasi hore ugu dhuuman jirtay”.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay weli ku raad joogaan xubno ka tirsan Khawaarijta oo dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, balse ka cararay goobta.

“Markii ay maqleen dhaq-dhaqaaqa ciidamada, xubnihii ka tirsanaa kooxda ayaa si baqdin leh uga kala cararay goobihii ay ku sugnaayeen. Ciidanka Haramcad ayaa weli raadin iyo baaris joogto ah ka wada aagagga lagu tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin kooxahaas nabad-diidka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Horay dowladda ayaa ciidamo u gaysay waddooyinka lasoo gala caasimada, si ay ula socdaan dhaq-dhaaqa dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News