Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo in dhawaan ay ka dhacaan gudaa dalka, inkastoo weli muran xooggan uu ka taagan yahay.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabay qaybinta kaararka codbixiyeyaasha, waxaana laga bilaabay illaa todobo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Kaararkan oo muhiim ah doorashooyinka ayaa waxaa la siinayaa dadweynihii horey isku diiwaan-geliyay, kuwaas oo ka qayb-gelin doonaan doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.
Degmooyinka laga bixinayo kaararka ayaa kala ah Shibis, Boondheere’ Xamarjajab, Shangaani, Waaberi, Xamarweyne iyo degmada Cabdi casiis ee gobolka Banaadir, sida uu shaaciyay guddigu.
Guddiga ayaa farriin u diray dhammaan dadka is-diiwaangeliyay, wuxuuna ugu baaqay inay u hoggaansamaan habraaca a dajiyay, ayna qaataan kaararkooda.
“Qof kasta waxaa loo soo diri doonaa fariin uu ku ogaanayo goobta uu ka qaadanayo kaarka codbixinta, waxaana laga codsanayaa inuu tago halkaas si uu u helo kaarkiisa,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan.
Waxaa kale oo uu guddigu tilmaamay in guud ahaan 42 goobood laga hirgelin doono qeybinta kaararka doorashada, si ay dadka deegaanka ugu fududaato helitaanka kaarka codbixinta.
Sida lagu sheegay warbixinta guddiga, tirada dadka hore iskaga diiwaangeliyay diiwaangeliyay gobolka Banaadir ayaa kor u dhaaftay 900,000 qof, taas oo muujinaysa sida ay shacabka ugu diyaar garoobeen doorashooyinka heer degmo ee la qorsheeyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ku adkaysanaysa go’aankeeda ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo lagu hormarayo kuwa heer degmo ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo hufnaanta nidaamka doorashooyinka.
Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga horyimid hanaanka loo maray doorashooyinka qorsheysan iyo guddiga loo igmaday.

