DF oo wada qorshe xil ka qaadis iyo magacaabis safiirada Somalia ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa la xaqiijiyay inay bilowday qorshaha lagu magacaabi lahaa Safiirada u fadhiya caalamka intiisa kale.

Qorshaha cusub ee xukuumada ayaa waxaa barbar socda xil ka qaadista Safiiro hor leh oo iminka ku magacaaban ilaa 7 Safaaradood, kuwaa oo u badan garabka dowladii hore ee Damul-Jadiid.

Safiirada cusub ee la magacaabayo ayaa waxaa ku jira Siyaasiyiin xilal hore uga soo qabtay dowladihii hore, halka ay jiraan wajiyo cusub oo kasoo dhex muuqan doona Safiirada la magacaabayo.

Waxaa ku jira Safiirada cusub Taliyayaal ciidan oo horay ula soo shaqeeyay Talisyada Militeriga iyo Booliska, kuwaa oo dhawaan waayay xilalkooda.

Xukuumada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibadda ayaa iminka diyaarisay ku dhawaad 16 Safiir, oo u badnaan doona dalalka ay Somalia kala dhexeyso xiriirka sida Carbaha iyo Africa.

Sidoo kale, magacaabida iyo xil ka qaadista ayaa markii hore saameyn ku yeelatay buuq Siyaasadeedka ka dhex aloosnaa Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia oo saameeyay dadaaladii lagu dhisi lahaa Siyaasada arrimaha dibadda.

Ma cadda in shaqsiyaadka la magacaabi doono ay kasoo dhex muuqan doonaan qurba joog ku cusub Siyaasada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com