Wiil geeri lagu tirinayay oo soo miyirsaday isaga oo xubnihiisa la qaybsaday

Wiil 13 jir ah oo ku sugan gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ayaa soo naaxay waxyar uun ka dib markii ay waalidkii sixiixeen waraaqo ay ku caddaynayaan in ay si mutadawacnimo ah u bixiyeen xubnaha jirkiisa si looga faa’iideeyo bukaanno kale.

Trenton McKinley ayuu dhaawac culus ka soo gaaray maskaxda ka dib markii uu dhulka ku dhuftay madaxa bishii Maarso.

Dhakhaatiirta ayaa waalidkii u sheegay in uusan ka kacaynin dhaawaca soo gaaray oo uu u dhiman doono, waxayna intaas ku dareen in xubnaha jirkiisa ay is waafaqeen shan carruur ah oo xannuunsan oo sugaya in xubno loogu deeqo.

Maalin ka hor markii la qorsheeyay in laga saaro qalabkii uu ku neefsanayay ayuu billaabay in uu dareen muujiyo.

Wiilkan yar ayaa aad uga dhaawacmay madaxa.

Trenton McKinley hooyadii ayaa sheegtay in wixii intaas ka dambeeyay uu wiilkeedu galay qalliino kala duwan markaas ka dibna ay kalyihii hawlgabeen wadno xannuunna uu soo wajahay.

Reindl ayaa sheegtay in wiilku uu mayd ahaan u saarnaa miiska 15 daqiiyo, dhakhatiirtuna ay ku wargaliyeen “in uusan waligii caadi ku soo noqon doonin”.

Reindl ayaa CBS News u sheegtay in ay markaas ogolaatay in ay sixiido in ay si mutadawacnimo ah u bixiso xubnaha jirka wiilkeeda laguna wareejiyo shan carruur ah.

“Waxaan sidoo kale ogolaanay in Trenton lagu sii rakibo qalabka uu ku neefsanayo si uu u sii neefsado xubnaha jirkiisana loo bixiyo”

Intaas ka dibna Reindl ayaa ka sheekaysay sidii uu wiilkeedu u soo naaxay ama u soo miyirsaday bishii Maarso.

Waxay tiri maalinta xigta ayuu lahaa baaritaankii maxkaxeed ee ugu dambeeyay marka xubnaha jirkiisa ee muhiimka ah ayaa dhaqdhaqaaqay sidaas darteed ayayna u baajiyeen baaritaankii.

Trenton ayaa hadda tartiib tartiib u soo kabanaya.

“Madaxa ayaan shub ku dhuftay gaariga alaabta lagu jiido ayaana korka igaga dhacay, intaas wixii ka dambeeyayna waxba kama xasuusto ayuu yiri” ayuu yiri

Wali neerfaha ayaa xanuuna wuuna wareeraa wuxuuna u baahan doonaa qalliin kale.

Wuu socon karaa, wuuna hadli karaa, waxbuu akhrinkaraa oo xitaa xisaab ayuu ka shaqayn karaa, ayay tiri Reindl waxayna arrintaas ku tilmaantay mucjiso”.

Trenton laftirkiisa ayaa WALA u sheegay in uu isu haystay in uu janada joogo intii uu miyir daboolnaa.

“Sidii ruux meel bannaan ah ku lugaynaya ayaan ahaa” ayuu yiri wiilkan 13 jirka ah

“Sharaxaad kale uma baahna ee arrib Illaahay ayay ahayd.”

Qoyska wiilka ayaa lacag ku aruurinaya Facebook si ay ugaga bixiyaan kharashaadka caafimaadka ee uu u baahan yahay.

ISHA BBC

wiilka xannuunsan

wiilka ayaa hadda tartiib tartiib u soo kabanaya