Axmed Madobe oo sheegay in DF ay ka baxday ballan kala dhexeysay oo ku aadan Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka digay in Somalia ay xilliggaan faraha la gasho Cakirnaan Siyaasadeed.

Waxa uu sheegay Madoobe in waxyaabihii maalmihii lasoo dhaafay soo baxaayay ay yihiin kuwo Soomaaliya dib u celinaya.

Axmed Madoobe, waxa uu ugu baaqay Madaxda Soomaalida ay in wakhti badan ku bixiyaan sidii Soomaaliya ay horumar u sameyn laheyd laakiin aysan wakhti ku bixin wax dumin.

Wuxuu sheegay in dowladda Somalia ay wadatashi kala yeelatay qaabka loo wajahaayo khilaafka wadamada Khaliijka ee sababay in Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar ay xiriirka ugu jareen Dowladda Qatar.

Madoobe waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia uu arrintaasi ka siiyay tallooyin wanaagsan, hase ahaatee aysan meel kasoo qaadin tallooyinka.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Runtii xiligii uu khilaafka bilaabanayay Farmaajo Imaaradka ayuu ku sugnaa waxa uu igala tashaday waxa laga yeelayo waxaana u sheegay in dowladdu ay ka fiirsato go’aankeeda’’

‘’Tallooyinkeygu waxaa kamid ahaa inay dhex dhexaad ka noqoto khilaafka khaliijka si xal buuxa loo gaaro laakin sidii aan rabay manoqon waayo dowladdu waxa ay la safatay jufo gaar ah oo ah Qatar”

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda in sidii uu qorshaha ahaa khilaafkii wadamada Khaliijka ay waxka bedeleen,isla markaana ay la safteyn dowladda Qatar oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan waligeyd waxba u qaban.

Waxa kaloo uu yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland khilaafka kala dhaxeeyana qaar ka mid ah dowlada Khaliijka dowlada Soomaaliya gacmaheeda ay ku raadsatay.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale eedeeyay wafdigii gurmadka Qaran ee fatahaadaha ee dhawaan booqday magaalooyin katirsan gobolka Gedo, kuwaas oo qiimeynayay xaalada dhabta ah ee ay ku noolyihiin dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga Jubba iyo saameyntii ka dhalatay fatahaadaasi.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmaaya xilli weli uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com