Baaritaan ku socda lacag bile ahaa oo laga uruurin jiray xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa daboolka ka qaaday inuu ku dhaqaaqayo baaritaano degdeg ah oo lagu xaqiijinaayo lacago bil waliba laga jari jaray Xildhibaanada.

Guddoomiye Mursal ayaa hadalkaan u sheegay Xildhibaanada maalinimadii shalay, waxa uuna tilmaamay inay doonayaan in meel lagu soo hubsado lacagtaasi oo Xildhibaanada laga qaadi jiray min 100$ bil waliba ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in baaritaankooda uu noqon doono mid ku qotomo halka la marin jiray lacagtaasi oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyay laga qaadi jiray Xildhibaanada.

“Lacagtaan waa min 100 boqol dollar bile aheyd waxaan dooneynaa inaan ogaano halka ay ka bixi jirtay iyo baahida keentay in Xldhibaanada laga jaro lacagta”

Sidoo kale, Guddoomiye Mursal ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay noqdaan kuwii u dulqaadan lahaa baaritaanka si loo xaqiijiyo halka ay mari jirtay lacagta.

“Waxaan Xildhibaanada ka dalbanayaa inay muujiyaan dulqaad baaritaankeenu waxa uu banaanka soo dhigi doonaa xaqiiqda jirta si aan u wada ogaano halka ay mari jirtay lacagtaas”

Shalay ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay shaki geliyeen halka ay ku baxday lacag gaareyso afar boqo iyo afartan kun oo doolar oo  gudaha golaha ku maqan tahay.

Dhinaca kale, Guddoomiye Mursi ayaa sheegay in lacagtaas laga jari jiray Xildhibaanada uu bilaabay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, hase ahaatee aan la ogeyn halka la marin jiray.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com