Xog: Maxaa ka jira in Qalbi Dhagax uu ka tanaasulay fekerkiisa ONLF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) uu aqbalay inuu ka tanaasulo fekerkiisa ku aadan ONLF.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Qalbi Dhagax uu qirtay dhammaan danbiyadii ay ku eedeyneysay dowlada Ethiopia, kadib markii uu horay u beeniyay ku lug lahaanshiyihiisa.

Illo wareedyo ku dhow dhow Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, qeybna ka ahaa socdaalkiisa Ethiopia ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro isbedel weyn oo ku imaaday fekerka Qalbi Dhagax.

Waxa ay sheegen illo wareedka in Qalbi Dhagax uu tanaasul ka muujiyay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay wada shaqeyntii kala dhexeysay ONLF.

Waxa ay qireen inay u badan tahay in Qalbi Dhagax laga sii daayo Xabsiga, iyadoo ay intaa dheertahay wadahadal ay Jubbaland ku dooneyso in Ethiopia kusii deyso Sarkaalka.

Sidoo kale, haddii lagu guuleysto deysmada Qalbi Dhagax, ayay xaqiijiyeen in sarkaalka laga sugaayo inuu dhex dhexaad ka noqdo Dagaalka Ethiopia kala dhexeeya Jabhada dib u xoreynta ONLF ee aadka uga soo horjeeda Xasiloonida dalka Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la xaqiijinkarin in Sarkaalka Qalbi Dhagax uu Ethiopia la shaqeyn doono haddii uu ka laabto fekerkiisa ku saleysan ONLF, waxaana suuragal ah in aamusnaan uu ku bedesho xoriyadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com