Awdheegle (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta booqasho iyo kormeer ku tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab.
Ujeedka safarka labada mas’uul ayaa ah in ay soo qiimeeyaan xaaladda amni iyo tan bini’aadannimo ee degmadaas oo hadda ay si biixda gacanta ugu hayaan ciidanka Xoogga.
Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha iyo Taliye Odowaa ayaa kormeeray xaafadaha degmada Awdheegle oo ay burbur xoogan u gaysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kahor inta aanay ka bixin, iyaga oo inta bada gubay guryihii shacabka iyo goobaha muhiimka ah.
Wasii Cumar Cali Cabdi oo goobta kula hadlay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa boggaadiyay guushooda, wuxuuna faray inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, si looga hortago dhagarta kooxaha argagixisada ah.
Sidoo kale, wuxuu ciidanka ugu baaqay in halka uu socdo, isla markaana ay naafiyaan Khawaarijta oo loo arko inay halis wayn ku tahay amniga dalka.
“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeedow waxaa tihiin ciidanka lagu jiifo waxaan rabnaa inaad cadowga naafeysaan sida aad u naafeyn jirteenna aad usii wadaan” ayuu yiri Cumar.
“Waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysan karo cadowga, waana ka guuleysaneynaa, Soomaaliya ha’is raacdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Xaaladda Awdheegle ayaa hadda deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kuwaas oo haatan isku sii fidinaya dhamaan deegaannada iyo tuulooyinka hoos yimaada degmadaas.


