DF oo WAR culus ka soo saartay duqeyn galabta lala beegsaday kolonyo Shabab ah

Aadan-yabaal (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay xogta weerar cusub oo duqeyn loo adeegsaday oo kooxda Al-Shabaab galabta loogu geystay inta u dhaxeysa gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaashanaya xogta dadka Deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Cali hayle ee ku yaala xadka Sh/dhaxe iyo Galgaduud.”

Kooxda lagu beegsaday howlgalkaan ayaa la socotay gaari xamuul ah, waxayna marayeen deegaanka Cali-Xeyle, howlgalka ayaa dhacay xiligii lagu jiray salaadda Maqrib.

“Gaari ay la socdeen maleeshiyada argagixisada ah ayaa lagu burburiyay howlgal maqribnimadii caawa ka dhacay Deegaanka Cali Hayle ee Galgaduud, waxaana gaariga saarnaa Hor-joogayaal ka tirsan nabadiidka,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada ka caawiya dagaalka Al-Shabaab ayaa maalmahaan kordhisay duqeymaha ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo maalmahaan ka socday gobollada Mudug, Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

“Saacadihii la soo dhaafay waxaa la kordhiyay Howlgallada dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo kooxaha naf la caariga ah ee caadeystay gumaadka Shacabka Soomaaliyeed, waxaana la qaarijiyay maleeshiyaad badan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Duqeyntaan waxaa ka horeeyey kuwo kale, magaalada Galhareer ee gobolka Galgaduud ayaa khasaaraha ugu ba’an loogu geystay Al-Shabaab, kadib markii la beegsaday xarumo waaweyn oo Shabaab ay isku abaabulayeen, kuna diyaarinayeen qaraxyo.

Sidoo kale magaalada Caad oo labo maalin ka hor ay soo weerartay kooxda Al-Shabaab ayaa khasaare ba’an loogu geystay, kadib markii ay halkaas kala kulmeen duqeyn culus iyo dagaal toos ah, waxaana Caad lagu soo bandhigay meydadka Shabaab-kii la laayey.