25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

DF oo war ka soo saartay kormeerayaashii imtixaanka ee la sheegay in la afduubtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa war-xaafadeed ka soo saartay imtixaankii shahaadiga ahaa ee toddobaadka ay u qabatay ardayda dugsiyada sare.

Wasaaradda ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo tilmaamayey in kormeerayaashii Imtixaanka lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasaaradda ayaa ugu horeyn u mahadcelisay dowlad goboleedyada ka qeyb qaatay qabashadii imtixaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo wasaaraddu ay qirtay in si hufan ay ugala shaqeeyeen Wasaaradda intii uu socday imtixaanka.

“Wasaaradda waxbarashada, waxa ay caddeyneysaa in ay been abuur tahay wararka baraha bulshada qaarkood ay ku sheegeen in Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug lagu afduubtay kormeerayaal ka tirsan wasaaradda Waxbarashada,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Sidoo kale, Wasaaradda Waxbarashada ayaa qoraalkaan ku sheegtay in maanta ay soo gaareen magaalada Muqdisho madaxdii, kormeerayaashii iyo saraakiishii imtixaanka qaadday.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay digniin u diraysaa cid walba oo faafisa wararka been abuurka ah ee lagu suurad xumeynayo howlaha waxbarashada,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan ku guuleysatay in ka badan 39,000 (Sodon iyo sagaal kun iyo labo boqol oo arday ay ka qaado imtixaanka dugsiyada sare, iyadoo ayaan jirin wax rabsho ah ama qish baxay.

Imtixaankaan ayaa laga qaaday ardayda wax ku baratay gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka, waxaana ka maqnaa maamullada Somaliland iyo Puntland oo iyagu aan Waxbarashada kala mideyaneyn dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kale

- Advertisement -

Read more

Local News