27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

DF oo war ka soo saartay xayiraadda la sheegay in ay saartay diyaaradaha Israel

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar ay warbaahinta maxalliga ah iyo tan caalamiga ah weriyeen, kuwaas oo sheegayay in dowladdu ay xanibaad ku soo rogtay diyaaradda Arkia ee laga leeyahay dalka Israa’iil, oo ay u diiday fasax ay ku marto hawada Soomaaliya.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay wararkaas in aysan sax aheyn. Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere), ayaa BBC-da u xaqiijiyay inaysan jirin shirkad si gaar ah loo beegsaday ama laga mamnuucay isticmaalka hawada iyada oo aan loo marin nidaamka sharciga ah ee duulista.

“Wararka sheegaya in shirkadda Arkia laga hor istaagay isticmaalka hawada waa kuwo aan sal lahayn. Dowladda Soomaaliya ma jirto shirkad ay si gaar ah u beegsatay, waxaana u dulqaadan doonin xad-gudub kasta oo ka dhan ah madax-bannaanida hawadeena,” ayuu yiri Agaasime Faradheere.

Wuxuu sheegay in warbaahinta qaarkood ay faafiyeen warar khal-khal galinaya nidaamka duulimaadka iyo sumcadda qaranka Soomaaliya.

“Waxaan ka xunnahay in qaar ka mid ah warbaahintu ay noqdaan aalad loo isticmaalo faafinta warar khalkhal gelinaya nidaamka duulista iyo sumcadda qaranka. Waxaan ugu baaqaynaa warbaahinta inay xaqiiqda ka raadiyaan ilaha rasmiga ah ee dowladda”.

Xaqiiqda jirta

Inkastoo Dowladda Soomaaliya ay beenisay jiritaanka “xanibaad” haddana xogta dhabta ah ee kasoo baxaysa dhanka shirkadda Arkia ayaa muujineysa in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabo “farsamo” oo u dhiganta xannibaad marka si kale loo eego.

Shirkadda Arkia ma aysan sheegin in hawada laga xiray, balse waxay xaqiijisay inaan weli loo “cusbooneysiinin” ruqsadda ogolaanshaha maritaanka hawada Soomaaliya ee bisha Febraayo, taas oo sida sharciga caalamiga ah qabo ay qasab tahay in bil kasta la cusbooneysiiyo.

Warbaahinta Israa’iil, gaar ahaan Yedioth Ahronoth (Ynet), ayaa shaacisay in Arkia aanay helin ogolaanshaha bisha soo socota, taas oo ku qasbaysa inay beddesho khadka duulimaadkeeda ee taga dalka Thailand.

“Haddii aanan helin ogolaansho horraanta bisha Febraayo, shirkaddu waxay ku shaqeyn doontaa waddooyin kale,” ayay tiri Arkia. Tani waxay ka dhigan tahay in diyaaraduhu ay qaadan doonaan waddooyin wareeg ah oo aad u dheer, taas oo kordhinaysa waqtiga duulimaadka iyo kharashka shidaalka.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda ayaa tallaabada dowladda Soomaaliya ku tilmaamay mid xeeladeysan. Dowladda kuma dhawaaqin go’aan siyaasadeed, taas oo keeni kartay culeysyo sharci oo caalami ah (ICAO regulations), balse waxay isticmaashay awooddeeda maamul ee dhanka bixinta ruqsadaha.

Marka la isku geeyo hadalka dowladda ee ah “Ma jirto xanibaad” iyo xaqiiqada Arkia ee ah “Na looma cusbooneysiinin,” waxaa soo baxaya sawir ah in Soomaaliya ay bixisay jawaab diblomaasiyadeed oo dadban, taas oo salka ku haysa khilaafkii ka dhashay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland 26-kii December.

Waa tallaabo muujinaysa in Muqdisho ay hadda si buuxda ula wareegtay maamulka Hawada Sare (FIR) oo ay u adeegsan karto “kaar” cadaadis ah, iyadoo aan jabin xeerarka caalamiga ah, maadaama cusbooneysiinta ruqsaddu ay tahay hannaan maamul oo dowladda xaq u leedahay inay dib u eegto ama hakiso haddii loo baahdo.

Haddii xaaladdan ay sii socoto, waxaa sidoo kale la filayaa inay saameyn ku yeelato shirkadda calanka u sidda Israa’iil ee El Al, taas oo ogolaanshaheeda sanadlaha ah uu ku egyahay bisha Maarso, waana tallaabo sii kordhinaysa go’doonka dhanka hawada ah ee Israa’iil kala kulmayso Geeska Afrika.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News