DFS oo war ka soo saartay xiisadda ka dhex aloolsan Puntland iyo Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo fasaxo dhammaan adeegyada duullimaadyada diyaaradaha ee labada garoon ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay inay dowladdu sameysay guddi heer wasiirro ah oo loo xil-saaray xallinta khilaafka u dhaxeeya labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Magaalada Muqdisho ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay waxaa ku soo badanayya dhismooyinka iyo ganacsiga noocyadiisa kala duwan maadama ammaanka caasimada uu soo yara roonaanayay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xiriir la sameeyey madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha khilaafka, isagoo ku dhiirrigeliyey in si nabad ah loo soo afjaro muranka ka dhashay xayiraadda duulimaadyada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo soo dhoweeyey ifafaalaha isfahanka ee labada dhinac ee ku aaddan joojinta xiisadda iyo aqbalidda wadahadal lagu soo afjarao khilaafka ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob:

1. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed;
2. In shuruud la’aan la fasaxo dhammaan adeegyada duulimaadyada ee degaankaasi;
3. In dhakhso la bilaabo wadahadal lagu dhammaynayo khilaafka garoomada;
4. Xukuumadda Federaalka waxay ballanqaadaysaa inay fududeyso qabsoomidda wadahadalka iyo dhamaystirka khilaafka labada dhinac;
5. Xukuumaddu waxay u dirtay labada maamul guddi khuburo ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com