DF oo war kas oo saartay shirka madax goboleedyada iyo mucaaradka ee Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shirkii maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay oo madaxda maamul goboleedyada la filayay inay ku yeeshaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo arrintan ka hadlay isaga oo ku sugan magaalada Baardheere oo uu safar shaqo ku tagay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibsaneyso shirarka ka socda Nairobi, wuxuuna si gaar ah u sheegay inay ku shirayaan dal uu xiisad siyaasadeed kala dhaxeeyo Soomaaliya.

“Dowlad ahaan, waa na dhibeysaa inaan aragno maamul goboleedyadii oo ku shiraya ninkii budka noo haystay gurgiisa” ayuu yiri.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay leeyihiin magaalooyin ka wanaagsan Nairobi oo shirarkooda ay ku qabsan karaan, balse ujeedo kale ay ka dambeyso inay Kenya ku shiraan

“Wey na dhibeysaa markaan aragno maamul goboleedyada oo ninkii bud-ka (Usha) noo heysta gurigiisa ku shiraayo, meel ay ku shiraan ma weynin, laakiin haddana waxaan kor u qaad qaadeyno maaha, mar ayaa caqli usoo bixi doonaa oo gurigooda ay ku shiri doonaan”

“Boqol meelood oo wanaagsan ayay qabaan, waxay meeshaas ugu shireen waxaan is leeyahay waa un qaab daro ayaan is leeyahay, Wadankaan waxaa is kaleh Soomaali, iyagaa u adeegaya, iyagaa u shaqeynayaa iyaga ayaana ka shaqeysan doono”ayuu yiri wasiir Goodax.

Shirkii maamul goboleedyada ku yeelan lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa gabi ahaanba baaqday, waxaana la sheegayaa inay soo kordheen culeesaadyo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

 

Siyaasad aamusnaan deganaan ah ayaan ku dhaqmeynaa