DF oo war kasoo saartay go’aanka maxkamada ICJ ee dib u dhigista kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ambassador Cali Siciid (Faqi) oo ah danjiraha Soomaaliya ee Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay go’aankii ka soo baxay maxkamadda cadaalada adduunka ICJ ee dib loogu  dhigay muddo labo bilood ah kiiska Badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Safiirka ayaa sheegay in ICJ go’aankaasi ay qaadatay,kadib markii ay tixgelisay codsigii ka yimid dhanka Kenya iyo sidoo kale jawaabtii ay ka bixisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Fiqi ayaa xusay in aysan wax dhibaato ah u arkin go’aankan, islamarkaana uunu aheyn mid dhibaato ku ah Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo dhaweynayaan taallabadani, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin.

‘’Annaga waxaan u aragnaa go’aan runtii fiican oo ma aragtay laba bilood hadda bisha October kaliya ayaa naga xigta, marka annaga waxaan u aragnaa go’aan aan dhibaato nagu aheyn.’’ ayuu yiri Fiqi.

ICJ ayaa xalay ku dhawaaqday in dib loo dhigay dhageysiga dacwadda labada dal, waxaana la dhageysan doonaan 4-ta November ee soo socota, iyadoo doodu ay ku horreyn doonto Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com