DF oo war kasoo saartay tallaabo cusub oo laga qaaday madax ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo mar kale liiska dadka lagu soo rogay cuna-qabateynta ku daray saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay boggaaineyso go’aankaasi, waxaa sidaas sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay boggaadinaysaa go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cunaqabateeyey saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab codsigeenna” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Daa’uud Aweys ayaa sheegay in saddexda hoggaamiye ay wejihi doonaan xaalad adag, isla markaana ay kamid ah tahay xayiraad dhaqaale oo ay la socoto mamnuucid.

Shakhsiyaadkan hadda waxay ku jiraan liiska cunaqabataynta ee hoos timaada Qaraarka 2713, iyagoo wajahaya xayiraad dhaqaale iyo mamnuucid socdaal,“ayuu sii raaciyay.

Saddexda hoggaamiye oo kala ah Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maal-gelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waa argagixiso rabshado badan oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waa in lala xisaabtamo,” ayaa  lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka QM.

Tallaabbadan ayaa la sheegay inay timid kaddib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay arrintan ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qeybo kamid ah dalka ka socda howl-gallo ka dhan ah kooxda oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee hubeysan, ayada oo dhawaan lagu wado inuu bilowdo wejiga labaad ee dagaalka.