DF oo war kasoo saartay ‘weerarkii NISA ku qaaday’ xildhibaan C/llaahi Nuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay si faah faahsan uga hadashay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka Ciidanka NISA ku leeyihiin agagaarka KM-0 ee magaalada Muqdisho.

Dhacdada ayaa waxa ay la xiriirtay in askari ka tirsan ciidanka ku sugnaa Barta Kontorool uu hal xabad ku riday gaari uu la socday Xildhibaan Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka, kadib markii uu ka gudbay barta kontorool.

Wasaaradda amniga ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo maalin kahor xilli galabnimo abbaarahihii 5:30-PM ka dhacday barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM-0 ee magaalada Muqdisho, waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taas oo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool.”

Sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa qoraalkeeda waxay ku sheegtay in ay bilowday baaritaanada la xiriira dhacdadaas, dibna ay ka soo saari doonto wixii go’aan ah, iyada oo sidoo kale tilmaamtay in ciidamada ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

Wasaaradda amniga ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada ay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda, islamarkaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah.

Ugu dambeyntii Wasaaradda ayaa tilmaamtay in ay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqday dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada.