25 C
Mogadishu
Monday, July 7, 2025

DF oo wargelin la xiriirta shidaalka u dirtay ganacsatada – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad wargelin ah u dirtay ganacsatada kala duwan ee shidaalka, taas oo salka ku haysa dhaqan-gelidda xeer-nidaamiyaha dareraha-hoosandka Batroolka.

Warqaddan oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa waxaa lagu wargeliyay dhamaan ganacsatada soo dejisa shidaalka, kuwa ka ganacsada tafariiqaynta shidaalka iyo kaalmaha shidaalka dhaqan-gelidda xeer nidaamiyaha dareraha-hoosandka Batroolka tirisigiisu yahay Lr.120 oo soo baxay 30-ka Maarso 2023.

Xeer-nidaamiyahani wuxuu u xilsaarayaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed, hubinta iyo ilaalinta tayada Batroolka loo soo dhoofiyo dalka iyo mid looga ganacsado kaalmaha shidaalka ee kala duwan gudaha dalka.

Xeerkan ayaa sidoo kale dejinaya nidaam xoojinaya ilaalinta deegaanka iyo caafimaadka bulshada, iyadoo loo marayo habka la-socodka iyo kormeerka tayada shidaalka ee la keenayo dalka iyo kuwa looga ganacsado kaalmaha shidaalka, si loo hubiyo in ay tayadoodu tahay mid u hogaansan xeerka cusub.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Batroolka:

Iyadoo gudanaysa xilkeeda sharci ee kaga aadan nidaaminta suuga shidaalka Soomaaliya, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargelinaysaa dhamaan ganacsatada soo dejisa shidaalka, kuwa ka ganacsada tafariiqaynta shidaalka iyo kaalmaha shidaalka dhaqangelidda Xeer nidaamiyaha Dareraha-hoosandka Batroolka tirisigiisu yahay Lr.120 oo soo baxay 30-ka Maarso 2023.

Xeer-nidaamiyahani waxa uu ku salaysan yahay wuxuu u xilsaarayaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed, hubinta iyo ilaalinta tayada Batroolka loo soo dhoofiyo dalka iyo mid looga ganacsado kaalmaha shidaalka ee kala duwan gudaha dalka.

Sidoo kale wuxuu xeerkan soo dejiyay nidaam xoojinaya ilaalinta deegaanka iyo caafimaadka bulshada iyadoo loo marayo habka la-socodka iyo kormeerka tayada shidaalka ee la keenayo dalka iyo kuwa looga ganacsado kaalmaha shidaalka si loo hubiyo in ay tayadoodu tahay mid u hogaansan xeerka cusub.

Sidaas daraadeed, Wasaaradda waxay si toos ah oo hufan u dhaqan gelinaysaa xeer-nidaamiyahan ku looga talaamay ilaalinta iyo kaashaashada tayada shidaalka. Waxaana la farayaa dhamaan laamaha ku lug leh ganacsatada uu khuseeyo dhaqangelidda Xeer-nidaamiyahan.

- Advertisement -

Read more

Local News