28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

DF oo Xamar kasoo dejisay maxaabiis ay soo deysay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay markale inay magaalada Muqdisho kasoo dajiyaan diyaarad wada maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirneyd dalka Libya.

Diyaarad siday maxaabiistaan oo laga keenay dalka Libya ayaa fiidnimadii kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maxaabiista oo gaaraya 124 ruux oo Rag iyo Dumar ka kooban in laga soo daayay xabsiyo kala duwan oo ku yaala dalka Libya.

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maxaabiistaan kusoo dhaweeyay dalkooda Hooyo, waxaana ay kaga hortageen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay dalka kusoo celiyaan maxaabiis kala duwan oo ku xirnaa dalalka India, Ethiopia, Libya iyo Seychelles, waxaana qaarkood ay ahaayeen maxaabiis xabsiyo ku xukunnaa.

Caasimada Onlinne
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News