Axmed Madoobe “Haddii Farmaajo iyo Kheyre aysan ilaah ka cabsaneyn hal mid ha ka baqaan”

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta ka hadlayey shirka amniga ee dowlad goboleedyada ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe faragelinta dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shacabka maamul goboleedyada ay wax ka sugayaan maamulladooda, halka maamulladana ay wax sugayaan dowladda dhexe, oo aan waxba ku gacan qaban, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Dowladda federalka ah, markan dowladnimadeedii u aqoonsannahay, kana mid nahay, Shacabka Jubbaland, Koonfur galbeed, Hirshabeelle ama Galmudug cidda mas’uulka ka ah bey wax weydiinayaan, baahidooda caafimaad, baahidooda amni, baahidooda dhaqaale, baahidooda waxbarasho, innaga ayey na weydiinayaan, annagii duruufta na heysa waxa ay naga dhigtay in gacmaha naga xiran yihiin”

Waxa uu intaas ku daray “dowladdii dhexe ayaan wax ka sugeynaa, dowladda dhexena keliya waxaa naga soo gaara sarkaal la soo diray oo wax burburinaya, xildhibaan la qaadoo inta diyaarad lagu qaado oo la yiraa kaalay oo doorashaad galeysaa oo lacag lagu bixinayo, wasaarado inta howlahoodii la xanibey la leeyahay kan ayaa la yeelayaa”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu is-weydiiyey in dowladda burburin u sameysan tahay, isaga oo xusuusiyey wixii halaaba in mas’uuliyadeeda qaadayaan oo keliya Farmaajo iyo Kheyre.

“Dowladda dhexe ma burburbey u sameysan tahay, mise ku fakirayaan cidda dowladda dhexe maanta mas’uulka ka ah laa shaka inay berri ka tagayaan, waxaan oran lahaa dowladda federaalka ah hoggaankeedu, hadduuna ilaahey ka cabsaneyn, ha garto oo ha ka cabsado taariikhda waxay ku keeneyso, ay berri qoreyso, mas’uuliyadda lama wadaagi-doonaan dad la taliya, oo meelaha fadhiya, cidda ceebta kareysaa waa madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha”

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com