Afhayeenki golaha madax goboleedyada oo iscasilay

Baydhabo (Caasimada Online) – Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa Afhayeenimo.

Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa is casilaadiisa ku sababeeyey inay tahay maadaama uu is casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo uu maamulkiisa ka mid ahaa. Waxa uu ahaa wasiirka dastuurka Koonfur galbeed

Wuxuu tilmaamay inuusan afhayeen sii ahaan karin maadaama uu meesha ka baxay madaxweynihii uu markii hore meesha ku yimid.

Hadalka Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa loo macneyn karaa in Koonfur Galbeed aysan iminka xubin kasii ahayn golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, taasi oo dhabar jab wey ku ah golaha.

Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda.

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa la filaaa inuu noqdo qof ku xiran dowladda dhexe ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com