Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday xayiraaddii duulimaadyada ee saarneyd maamulka Jubbaland, iyadoo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo uu maanta si caadi ah dib ugu bilaabay howlaha duulimaadka.
Duulimaadyadii u kala gooshi jiray magaalooyinka Kismaayo, Dhoobley iyo Nairobi, kuwaas oo hakad galay muddo dhowr bilood ah, ayaa maanta si rasmi ah dib u billowday kadib markii dowladda dhexe ay qaaday xayiraaddii saarneyd.
“Duulimaadyadu si rasmi ah ayay u bilowdeen, kadib markii la qaaday xannibaaddii saarnayd,” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka ee Jubbaland, Cabdilaahi Dhubad Shiil Cumar, oo xaqiijiyay in duulimaadyada la fasaxay.
Hakadka duulimaadyadan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay shacabka, gaar ahaan dadka u safri jiray magaalada Nairobi arrimo la xiriira caafimaadka iyo ganacsiga.
Dib u furista duulimaadyadu waxaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ay qaaday dowladda federaalka, taasoo ugu dambeyn garowsatay in xayiraaddu aysan wax faa’iido ah keenin, balse kaliya ay culeys dheeri ah ku kordhisay shacabka.
Xannibaadda duulimaadyada ayaa timid kaddib doorashadii uu Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku qabtay magaalada Kismaayo 25-kii November ee sanadkii hore, taas oo aanay aqoonsan dowladda federaalka, oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo hoggaanka Jubbaland.
Si kastaba, ujeeddada xayiraadda oo ahayd in lagu xaddido awoodda socdaalka ee Madaxweyne Madoobe, laguna saaro cadaadis siyaasadeed, ayaan wax natiijo ah laga gaarin, kadib markii uu u dhoofay dalka Kenya, taasoo ugu dambeyn keentay in dowladda federaalka ay dib uga laabato tallaabadii ay qaaday.