DF oo xirtay wariye xuquuq uu lahaa ay dhacday wasaaradda warfaafinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda ayaa maanta muddo ka badan hal saan waxay xabsiga dhigeen wariye Cabdullaahi Muuse Xasan Kalgacal oo ka mid ah wariyaasha ka howgalla magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa lagu xiray xabsiga Afar irdoodka ee ku yaalla degmada Xamarweyne, waxaana xiray shaqsiyaad ka tirsan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Xarriga wariye Kalgacal ayaa yimid kaddib markii uu u tagay wasaaradda warfaafinta isagoona ku yiri waxaan rabaa in la isiiyo xuquuq aan shaqsi ahaan u lee yahay oo dhacday wasaaradda warfaafinta taasoo dhaqaale badan lagu cunay.

Wuxuu sheegay in markii uu intaas ku yiri mas’uuliyiinta joogtay wasaaradda in loogu badalay in la xiro.

Cabdullaahi Kalgacal ayaa tilmaamay in xarrigiisa ay ka dambeeyeen Bahlaawi iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaalla oo ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Wariyaha ayaa ka codsaday wasaaradda warfaafinta in ay siiyaan Iidhehyo uu sameeyay oo laga sii daayo Radio Muqdisho oo ah raadiyaha dowladda.

Wuxuu sheegay in Idaacadda qaranka ay noqotay Idaacad ay lee yihiin shaqsiyaad kooban oo ka tirsan wasaaradda kuwaasoo wixii ay rabaan ka sii daaya Idaacadda cidda ay rabaana shaqada ka erya.

Wariye Cabdullaahi Muuse Xasan Kalgacal oo ka mid ah wariyaasha ugu caansan Muqdisho gaar ahaan marka ay timaado Iidhehda iyo barnaamijyada bulshadda, ayaa ka soo shaqeeyay Idaacadii weyneed ee HornAfrik iyo Idaacado kale oo ku yaalla dalka.

Ma ahan wariyihii ugu horeeyay ee ka shaqeeyay idaacadda dowladda oo aan dhaliilo u jeedineynin mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan Bahlaawi iyo Al-Cadaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com