5 BEELOOD oo si wada jir usoo saaray go’aanno ka dhan ah DF SOOMAALIYA

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Tr: 19/07/2014

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Ku: Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Ku: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Ku: Egeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ku: Midowga Yurub (EU)

Ku: Midowga Afrika (AU)

Ku: Ururka Jaamacadda Carabta (Arab League)

Ku: Urur Goboleedka Afrika (IGAD)

Ku: Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee howlgalka Ciidamada (AMISOM)

Ku: Dhammaan Safaaradaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Ujeeddo: Cabasho ka dhan ah Guddiga Farsamada ee dhismaha maamulka KG3

Annagoo ah Xildhibaanadda, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta,  Culumaa’udiinka, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhallinyaradda Beelaha ku saxiixan warqaddan waxaan si buuxda oo adag uga cabaneynaa ugana soo horjeednaa sida caddaalad darradda ah ee lagu dhisay Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Koonfur Galbeed 3, kaasoo si cad oo aan gabasho lahayn loogu xadgudbay laguna duudsiiyay xuquuqdooda dadka deegaanka assalka u ah ee ladagaallankii gumeystihii Talyaaniga hormuudkana ka ahaa heshiiskii LAFOOLE  (AFGOOYE) ee G/Sh hoose, sanadkii 1894-kii, iyo Asaasiddii Ururkii Xornimadoonka ee SYL, Beelahaas oo kala ah:

1-    Galedi2-    Wacdaan3-    Wadalaan 4-    Hintire5-    Silcis iyo Gorgaarte

Madaxda Dalka ayaa si bareer ah oo aan gabasho lahayn ugu takri falay xuquuqdii deegaameed iyo midii muwaadineed ee beelaha kor ku xusan, xuquuqdoodiina ku dhaxal wareejiyay beelahooda iyagoo isticmaalaya awoodda dowladnimo (power abuse)

Hadaba, waxaan Beesha Caalamka oo qoraalkaan sida tooska ah ugu socdo usoo jeedineynaa:

  1. In aan la aqoonsan Guddigaan maadaama uu ku dhisanyahay caddaalad darro iyo xadgudub qayaxan oo aan loo meel dayin.
  2. In Beesha Caalamku aysan wax dhaqaale ah ku bixinin guddigaas iyo dhismahiisaba kaas oo sababi kara in uu xoojiyo dulmiga qaawan iyo gabood falka lagu hayo dadka kasoo jeeda deegaanadaas.
  3. In Madaxda Qaranka ay ka waantoobaan abuurista khilaaf hor leh iyo iska horkeenidda bulshada Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
  4. In Madaxda Qaranka sidoo kale ay joojiyaan gabood falka joogtada ah oo ay ku hayaan bulshada Nabadda iyo Dowladnimada jecel ee ku dhaqan G/Shabeelaha Hoose, aysana dhiirri gelinin kooxaha nabad diidka ah, laguna qasbin bulshada  in la nacsiiyo Dowladnimada.
  5. In dib u eegis lagu sameeyo hirgelinta hannaanka Federaalka oo si toos ah iyo si dadbanba loo marin habaabiyay lana garab maray sharciga sida ku cad qodobka 49aad ee Dastuurka Qaranka iyo  Dhismaha Maamullada Gobolladda iyo Degmooyinka dalka.

Hadaba, waxaan si xushmad iyo qadarin ay ku jirto uga rajaynaynaa dhammaan qaybaha kala duwan oo ay ku socoto warqaddan in ay tixgelin doonaan cabashadeena waxna ka qaban doonaan.

Saxiixa Odayaasha Dhaqanka

  1. Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey                     _________________________
  2. Ugaas Abuukar Islaaw Xasan                                 _________________________
  3. Suldaan Cusmaan Suldaan Axmed                        _________________________
  4. Ugaas Xuseen Maxamed Daahir                            _________________________
  5. Ugaas Maxamed Cusmaan Ooroow                      _________________________

Xildhibaanadda

  1. Xil. Maxamed Cumar Dhalxa                                  _____________________________
  2. Xil. Cusmaan Xaaji Cali                                           _____________________________
  3. Xil. Cali Yuusuf Cusmaan                                       _____________________________
  4. Xil. Axmed Cumar Islaw                                         _____________________________
  5. Xil. Xuseen Cusmaan Xuseen                                 _____________________________

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka

  1. Xaaji Shukri Sh. Axmed                                           _____________________________
  2. C/llaahi Xaaji Cabdi                                    _____________________________
  3. Ibraahim Xaaji Garas                                               _____________________________
  4. Maxamed Nuur Hindi                                             _____________________________
  5. Xuseen Axmed Zuuki                                              _____________________________
  6. Xuseen Cumar Muudey                                           _____________________________
  7. Mahdi Colow Cali                                                    _____________________________
  8. Axmed Maxamed Nur Daqarre                              _____________________________
  9. Maxamed Abiikar Axmed                                       _____________________________
  10. Xaaji Axmed Cusmaan Geesweyne                       _____________________________

Haweenka

  1. Batuulo Maxamed Xuseen                                      _____________________________
  2. Makaay Axmed Shubaaye                                       _____________________________
  3. Bintow Cali Rooble                                                 _____________________________
  4. Xabiibo Maxamed Xasan                                        _____________________________
  5. Nuunaay Axmed Xuseen                                        _____________________________
  6. Jimcoy Xasan Nuur                                                  ______________________________
  7. Iisho Xasan Xuseen                                                 ______________________________

WABILLAHI TOWFIIQ