25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 2, 2025

Muungaab: Xamar waxay cagta saartay waddada nabadda iyo horrumarka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Xuseen Muungaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay cagta saartay waddada nabadda iyo horrumarka, wuxuuna rajo ka muujiyay in caasimada sannadka soo socda uu wax badan iska badali doono.

Muungaab ayaa tilmaamay marka loo eego isbadalka ka socda Muqdisho uu muujinaayo in ay Muqdisho ay soo ceshaneyso sharraftii ay lahayd sidda uu yiri.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa xusay in Muqdisho uu ka socdo isbadal la xiriira dhinaca ammaanka iyo horrumarka, isagoona intaas ku daray in mardhow Muqdisho ay noqon doonto Muqdishadii la yaqiinay.

Muungaab ayaa hadalkan ka sheegay isagoo garabkiisa ay taagan yihiin madaxda dowadda kuwaasoo hal meel ay maanta salaada ciidda ay kuwada tukadeen.

Si kastaba, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa bishan ahaa mid faraha ka baxay waxaa la dilay dad badan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuwaasoo isugu jirra askar iyo xildhibaanno.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News