DF oo meel iska saartay Somaliland & P/land, wada-hadalna la leh 3 shirkad

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay Gor-Gortan kula jirta Saddex Shirkadooda oo doonaya inay dalka ka baaraan Shidaal, kadib markii ay laashay heshiisyo ay horey u galeen maamul goboleedyada dalka ka jira sida Puntland iyo Somaliland.

Shirkadaha ay dowladda wada-hadalka kula jirto ayaa kala ah:-

  1. Royal Dutch Shell Plc (RDSA), ama (Shell), waxaa laga leeyahay dalka Holland.
  2. Exxon Mobil Corp. (XOM),waxaa laga leeyahay dalka Mareykanka.
  3. BP Plc (BP/). (British Petroleum),waxaa laga leeyahay dalka Ingiriiska (UK).

Saddexdan Shirkadood, ayaa hadda waxa ay Wada-hadallo kula jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo doonaya inay dalka yimaadaan oo ay Shidaal Baaris ka sameeyeen Gobolada la is leeyahay Shidaal ayaa ku jira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa iminka wada Howlgallo Military, iyadoo isku dayaysa inay qabsato Dhul ballaaran oo ay kusoo jiidan karto Dowladaha iyo Shirkadaha Shisheeye ee Maalgashiga oo horey Amni la’aan dartiisa dalka u imaan kari waayey.

Maamullada ka jira dalka iyo kuwa hadda la samaynayo ayaa dhamaan waxa ay tartan ugu jiraan sidii Maamulka kasta uu Heshiisyo ula gali lahaa Shirdaha Shidaalka baara, waxaana Loolankaasi uu dhaliyay Khilaaf xoogan, inkasta oo weli gacanta sare ay haysato dowladda.

Puntland iyo Somaliland waa Maamulada hadda ay bartilmaameedsanayaan Saddexdan Shirkadooda ee kor ku xusan, balse Dowladda Federaalka ayaa u diiday Shirdaha Shisheeye inaysan Heshiis aan ogeyn Dowladda Dhexe la gali karin Maamul Goboleed. Shirkadaha ayaa aqbalay amarka dowladda, waxayna hadda la xaajoonayaan dowladda.

Markii ay Dowladda Federaalka soo saartay Go’aankan, Shirkaduhu waxay joojiyeen Dhamaan heshiisyadii, maadaama la sheegay in Shirkadii ku xadgudubta Madaxbanaanida Soomaaliya Maxkamd la geyn doono, sidoo kalena la ganaaxi doono.

Wadahadallo ku saabsan Heshiisyada lala galayo Shirdaha Baarista Shidaalka, Federaalka iyo Qeybsashada Dhaqaalaha loogu deeqo Soomaaliya ayaa Maalintii 2-aad waxayy Garoowe uga socdaan Dowladda Dhexe iyo Puntland.

Sida uu qabo Dastuurka Federaalka, Maamul Heshiisyo lama gali karo Shirkado caalami ah iyo Dowlado intaba, waxaa taasi xaq u leh oo kaliya Dowladda Dhexe ee dalka.

Isha: KON